Madaxwaynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen oo  biyo ay qaadeen

Madaxwaynaha KGS Cabdicasiis Lafta-gareen oo  biyo ay qaadeen

Baydhabo (Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in daadadka ku dhuftay magaaladaas saamayn ay ku yeelatay guud ahaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iyo deegaanada kale ee maamulkaas.

Roobka ka da’ay magaalada Baydhabo ayaa sababay in kumanaan qoysas  guryaha ay ku dumeen isla markaana xaafadaha qaar ay kala go’aan oo ay aad u adag tahay isku gudubka magaalooyinka.

Waxaa – magaalada Baydhabo saacadihii la  soo dhaafay soo baxayay in madaxwyanaha maamulkaas ay biyo qaadeen inkastoo markii dambe la ogaaday inuu ka maqnaa hoyga.

Sida wararka  aan helayno ay sheegayaan waxaa meelaha roobka uu saameeyay ka mid ah guriga magaalada Baydhabo uu ka degan yahay Madaxwaynaha maamulka koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen .

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxwaynaha maamulkaas uu ka maqnaa guriga marka uu burburka ka soo gaarayay roob mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxwaynaha koonfur Galbeed ayaa dadaal ugu jira sidii maamulkiisa uu gurmad u gaarsiin lahaa Qoysas badan oo bayla ah  kuwaas oo dhibaato ay ka soo gaartay roobka ka da’ay magaalada Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.