Madaxweynaha Afrikada Dhexe oo eedeeyey reer Gabeedka

Madaxweynaha Afrikada Dhexe oo eedeeyey reer Gabeedka

Madaxweyne Afrikada Dhexe Faustin-Archange Touadéra ayaa ku eedeeyey dalalka reer Galbeedka in ay si ula kac ah dalkiisa ugu hayaan degenaansho la’aan siyaasdeed, maalmo ka dib markii uu la kulmay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

“Afrikada Dhexe waxaa lagu tan iyo madaxbannaanideedii lagu qasbay bililiqo habeysan iyadoo looga fa’ideysanayo degenaansho la’aanta siyaasadeed oo ay ka dambeeyaan reer galbeedka ama shirkadahooda kuwaas oo maalgaliya kooxo aragagixiso ah oo hubeysan kuwaas oo hoggaamiyaashoodu ay yihii caloosh u shaqeysteyaal” ayuu ka sheegay shirka ay qabanqaabisay Qaramada Midooba ee dalalka ugu hormarsan maalinimadii Axadda.

Ciidamada Afrkikada Dhexe Iyo askarta ka tirsan kooxda calooshood u shaqeysteyaasha ah eE Wagner ayaa lgu eedeeyey in ay ku kacayaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanahataas oo keeneysa cunaqabateyb ay Midowga Yurubku soo rogaan qaar ka mid ah xubnha saree e kooxda calooshood u shaqeysteyaasha ah ee ka howlgala dalkaa .

Shirka ka soconaya dalka Qatar ayuu madaxweynaha Afrikada Dhee ka sheegay in dalkiisu dhibbane u Yahay arrimo la xiriira kheyraadkiisa iyo in waxa uU KU tilmaamay faragalin ay ka dhigeen dalkiisa iyo kuwo kale kuwo aan xor aheyn , degenaansho la’aan la baday isla maarkaana qalalaaso loo horseeday.