Kismaayo (Raxanreeb) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa ka hadlay arrinta muddo kororsiga ee maamulkiisa u sammeeyay dhowaan.
”Jubbaland uma baahna is qab qabsi uma baahna Siyaasad la iskaga hor yimaado wax culeys siyaasadeed oo maanta qofna qofka kale ku haayana ma jirto waxaan u baahannahay Jubbaland oo mid ah shalay Jubbaland dib u heshiisiin ayay wax ku dhisatay maantana tii ayaan diyaar u nahay.
ma jiro qof Jubbaland oo maanta arrintan in la eg aan u qabno waxaan rabnaa dadku inay is cafiyaan waxaan rabnaa in la is dhex maro waxaan rabnaa qof walboo muwaadin ah xuquuqda uu leeyahay inuu qaato haddii uu ilaahay idmo”
Leave a Reply