Xasan Sheekh oo gaaray Garowe

Xasan Sheekh oo gaaray Garowe

Garowe (Raxanreeb) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland, iyada oo si weyn halkaasi loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kuxigeenkiisa iyo Masu’uliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe oo laba maalin qaadan doona ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland iyo sidii xal looga gaari lahaa tabasho ay qabaan madaxda Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.