Madaxweynaha Masar oo wajahaya cadaadis xooggan

Madaxweynaha Masar oo wajahaya cadaadis xooggan

Masar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Masar oo biyaha wabiga Niil ka hadlay ayaa sheegay in Masar ay wajahayso cadaadis xooggan oo biyaha niilka la xidhiidha isagoo dhanka kale xusey iney si buuxda uga warqabaan in biyaha loo adeegsanayo aalad la doonayo in yoolal kale lagu gaadho.

Abdifataax Al Sisi oo hanjabaad adag direy ayaa yidhi “Qof kasta oo u malaynaya in Masar ay indhaha ka laaban doonto hanjabaad halis ku ah jiritaankeeda ammniga biyaha waa khaldan yahay, marnaba ma ogolaan doonno in la taabto biyaha ay ku tiirsan yihiin 105 milyan oo qof oo Masri ah.”

Hanjabaada Sisi ayaa imanaya xili Itoobiya ay bilaha soo socda xadhiga ka jareyso biyo xidheenka wayn ee GERD, kaasoo Masar ay si wayn uga biyo diiday balse Addis Ababa ay hirgalisey iyadoo dhagaha ka laabatey diidmada iyo hanjabaada Masaarida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.