Madaxweynaha Turkiga oo hanjbaad u diray Dalka Armenia

Ankara (Raxanreeb) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Arbacadii sheegay in hab-dhaqanka Armenia ee ku aaddan Azerbaijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo weyn, kadib maalmo ay dagaal iskaga horyimaadeen labada dal ee deriska ah.

“Waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii la gaaray kadib dagaalkii (2020) ee Azerbaijan ku guuleysatay,” ayuu Erdogan ka sheegay isu soo bax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Armenia iyo Azerbaijan, oo tobannaan sano isku khilaafsanaa deegaanka Nagorno Karabakh, ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay isku dhacyo xuduudeed oo dhacay gelinkii dambe ee Isniintii.

“Waxaan rajeyneynaa in Armenia ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo laabato wadadan qaldan, ayna waqtigeeda iyo xooggeeda u isticmaasho xoojinta nabadda” ayuu sii raaciyay Erdogan.

“Waxa ay dabeecadani u horseedi doontaa cawaaqib xumo dhinaca Armenia, taas oo aan kaliya buuxin shuruudaha heshiiska la saxiixay, laakiin sidoo kale muujinaysaa dabeecad dagaal oo joogta ah.” ayuu yiri Erdogan.

Isku dhacyada ka socda isgoysyada la iskaga kala gudbo Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, ayaa soo jiidan kara quwado waaweyn sida Ruushka iyo Turkiga iyada oo khatar gelinaysa dhuumaha keena galbeedka saliidda iyo gaaska.

Erdogan iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka wadahadli doona dagaaladii ugu dambeeyay marka ay ku kulmaan magaalada Samarkand ee Uzbekistan dabayaaqada toddobaadkan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Turki ah Arbacadii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.