Nin Soomaali ah oo loo dilay $20 keliya Waddanka Mareykanka

Nin Soomaali ah oo loo dilay $20 keliya Waddanka Mareykanka

Indianapolis (Eaxanreeb) — Muwaadin Soomaaliyeed oo ahaa darawal taksi ayaa lagu dilay magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka Sabtidii, waxaa sidaas sheegtay waaxda booliska magaalada ee IMPD. 

Saraakiil ka tirsan IMPD ayaa xiray nin lagu magacaabo James Riley oo 30 jir ah iyo Alysianna Martin oo gabar 29 jir ah, kuwaas oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilka. 

Waxyar kadib 4:00am subaxii Sabtida ee 10-kii September, qof ayaa soo wacay number-ka 911, isaga oo ku wargeliyey in meel u dhow halka ay iska galaan waddooyinka 11th iyo New Jersey uu yaallo baabuur muddo badan albaabadiisa furan yihiin. 

Markii booliska IMPD ay yimaadeen, waxay heleen meydka Cabdulqaadir Filanwaa oo yaalla kursiga darwalka, ayada oo baabuurkuna uu daaran yahay, sida lagu sheegay warbixinta booliska.

Waaxda caafimaadka ayaa shaacisay in Cabdulqaadir Filanwaa oo 55 jir ahaa uu isla goobta ku dhintay.

Sida ku cad warqadaha maxkamadda, kaamiro ku dhegneyd taksiga ayaa duubtay Riley iyo Martin oo soo galaya gaariga. Kadib waxaa la arkay Riley oo lasoo baxaya bastoolad oo dhinaca ka saaraya Cabdulqaadir, kuna amraya inuu goob cayiman u kaxeeyo.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalka laga maqlayo Riley oo Cabdulqaadir weydiinaya halka ay ku dhegan tahay kaamirada gaariga, kadibna ku eedeynaya inuusan maqleyn amaradiisa. 

Riley ayaa kadib la maqlayaa isaga oo leh “ma waxay kula tahay inaan cayaarayo? Ma waxaad dooneysaa inaad dhimato? Ma waxaad dooneydaa inaad dhimato?”

Sidoo kale, inta gaariga uu socday waxay u muuqatay inuu jiray muran ku saabsan $20 oo Cabdulqaadir Filanwaa uu weydiistay Riley inuu bixiyo, balse Riley uu diiday inuu siiyo.

Markii gaariga uu istaagay, Riley ayaa weydiistay Cabdulqaadir inuu layrka gaariga damiyo, kadibna wuu toogtay. Wuxu kadib kusii dhufay laba xabad oo kale. 

Kaddib markii ay xireen booliska, Riley iyo Martin ayaa hadalladooda ay isburiyeen waxayna beeniyeen inay wax lug ah ku lahaayeen toogashada. 

Si kastaba, Riley ayaa markii dambe qirtay inuu toogtay Cabdulqaadir Filanwaa, balse waxa uu yiri “ma dooneyn inaan sidaas sameeyo, waxaa dhacay isfaham waa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.