Kambala (Raxanreeb Online) Madaxweyne Yoweri Museveni ma ka qeyb geli doono doodda musharraxiinta oo lagu wado in ay is wajahaan murashaxa ugu weyn ee mucaaradka, Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan yaqaan Bobi Wine.
Dooddan waxaa soo qaban-qaabiyay warbaahinta dalka, waxaana loogu talagalay in musharrixiinta madaxweynenimada ay halkaas ku soo bandhigaan siyaasaddooda si ay u gaaraan malaayiin codbixiyeyaal go’aan qaadan doona Janaayo 2026, xilliga Doorashada Guud.
Labada musharrax waxay ka mid yihiin siddeed musharrax oo oggolaansho ka helay Guddiga Doorashada dalka (EC) si ay uga qeyb qaataan doorashada guud.
Museveni wuxuu raadinayaa muddo-xileedkiisii 7-aad kadib markii uu hoggaamiyaha dalka Bariga Afrika ku yaalla ku dhowaad afartan sano.
Hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee NRM, oo talada la wareegay 1986, wuxuu isu diyaarinayaa inuu wajaho toddobo musharrax oo kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bobi Wine oo ka socda xisbiga NUP, Nandala James Mafabi oo FDC ka socda, Mugesha Gregory Muntu oo ka socda ANT, Mbirizi Joseph oo Conservative Party ah, Kasibante Robert oo NPP ah, Muyangwa Mubarak Sserunga oo Common Man Party ah, iyo Bulira Frank Kabinga oo RPP ka socda.
Waxyaabaha lagu ololeynayowaxaa ka mid ah wax ka qabashada sicir-bararka, wanaajinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada, daryeelka caafimaadka, gaadiidka iyo nolol wanaagsan oo bulshada oo dhan ay helaan , iyadoo doorashady ay dhici doonto 15-ka Janaayo, 2026.
Waxaa intaas dheer in kooxaha bulshada qaarkood ay ka cabanayaan in la xaddiday oo laga hor istaagay inay si buuxda u gutaan waajibaadkooda.
Maalmihii u dambeeyay, ninka fannaanka ah isla markaana -musharraxa ah Bobi Wine ayaa weerar kala kulmayy ololihiisa doorashada ee Uganda, halkaas oo boolisku u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa taageerayaashiisa.

Leave a Reply