Madaxweynaha Uganda oo qaaday dhammaan xayiraadihii la xiriiray cudurka Ebola

Kampala (Raxanreeb) — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii qaaday dhammaan xannibaadaha la xiriira xanuunka Ebola, isagoo sheegay in dalka ku yaalla Bariga Afrika uu horumar ka sameeyay xakameynta cudurka dilaaga ah.

Museveni ayaa meesha ka saaray xayiraaddii lagu soo rogay halkii xuddunta u ahey cudurka ee degmada Mubende, kaasoo laga diiwaan geliyay 66 xaaladood iyo 29 dhimasho ah, iyo gobolka Kassanda oo laga helay 49 xaaladood iyo 21 dhimasho ah.

“Hadda, ma jiro wax la kala qaado, ma jiro xiriir la socda, ma jiro bukaan ku jira xarumaha karantiilka,” ayuu Museveni ku yiri hadal uu soo saaray.

Bishii Oktoobar, xukuumadda Kampala ayaa soo rogtay xannibaadyo dhanka safarka ah iyo bandow habeenkii ah, waxayna sidoo kale xirtay goobaha cibaadada iyo madadaalada.

Horaantii bishan, Uganda waxay sheegtay inay ka soo saartay xarumaha caafimaadka bukaankii ugu dambeeyay ee Ebola.

Reuters.

Leave a Reply

Your email address will not be published.