France & Argentina oo caawa wada ciyaari doona

Doha (Raxanreeb) — Caawa 6:00 PM ee Geeska Afrika waxaa lagu wadaa in Dalka Qatar lagu soo gabagabeeyo fiinaalka Koobka Adduunka, oo ay isugu yimaadeen Xulka qaranka France iyo Argentina.

Waa ciyaar ay iska hor imanayaan laba ka mid ah awoodaha soo jireenka ah ee ciyaaraha iyo sidoo kale labada ciyaartoy ee waa wayn ee ciyaarta, Lionel Messi oo Argentina ah iyo Kylian Mbappé oo reer France ah.

Labada ciyaaryahan ayaa sidoo kale ku tartamaya kabta dahabka ah, taas oo ah abaal marinta la guddoonsiiyo gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku sugnaan doona dalka Qatar si uu u daawado xulkiisa qaranka oo isku dayaya iney difaacdaan Koobka Adduunka. Taa bedelkeeda, madaxweynaha Argentine, Alberto Fernandes, ayaa gurigiisa ku daawanaya ciyaarta sida malaayiin muwaadiniin ah

Argentina ayaa Finalka Koobka Adduunka ee 2014 timaaday iyada oo 1-0 loogu badiyay sidaasna ay koobka ku qaadeen Xulka Qaranka Germany oo sanadkaan ku haray heerka Groupyada, halka xulka Qaranka France uu yahay dalka difaacanaya koobkaan ka dib markii 2018 uu ka qaaday dhiggiisa Croatia oo sanadkaan soo gashay sanadka seddexaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.