Madaxweyne Xasan “dalka dib uma laabanayo hora loo socona”

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, ayaa sheegay in aysan suura gal noqon karin in dalka lagu fiirsado
Meesha uu hadda joogo, balse loo baahan yahay in uu la tartamo dalalka caalamka xagga horumarka dhinac walba.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya, deyntii laga cafiyay, doorashadii dadweyn ee sannadkii hore dhacday, iyada hadda dalka uu u jiheystay soo saarista kheyraadkiisa, sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa odoyaasha dhaqanka xasuusiyay xaaladihi kala duwnaa ee dalka uu soo maray, isaga oo dhinac dhigay meesha uu joogo kana soo kabtay dhibaatooyinkii amniga iyo duruufihii kale ee dalka burburiyay.

Waxa uu madaxweynaha xusay in dowladda ay wax badan qabatay, sida dhameystirka dastuurka, ka fogaanta deymaha، la dagallanka hubka sharci darrada ah iyo arrimo kale oo muhiim u ah dadka iyo dalka intaba.

Sikastaba, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa imaanaya xili muddo xilkeedka 4-ta sanno ee loo doortay ay ka harsan tahay 16 maalin, mana muuqato qorsho doorasho oo dalka lagu qabanayo oo ay heshiis ku yihiin mucaaradka iyo dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.