Minneapolis ( Raxanreeb Online) Xarunta caanka ah ee Quality Learing Center” ee ay leeyihiin Soomaalida Minneapolis ayaa la xiray gabi ahaanba Arbacadii, maalin ka dib markii FBI ay weerartay xarunta xanaanada carruurta iyo ilaa 20 ganacsiyo kale, iyadoo qayb ka ah baaritaan lagu sameeyay eedeymo ku saabsan khiyaano adeeg bulsho oo ballaaran oo ka dhacay Minnesota.
Magacii iyo astaantii gaancsiga ayaa laga fujiyey, waxaana lagu beddelay calaamad digniin u ah booqdayaasha in kamaradaha amniga ee la isticmaalayo.
Dhowr kubbadood oo hula ah oo xariijimo leh ayaa lagu arkay meesha qashin-qubka gaari yar oo kuwa caruurta ahna waxaa laga helay meesha ay gawaaridu istaagto.
Qof ilaaliye ah oo ka shaqeyn jiray aaggaas ay xannaanadu ku taallo ayaa sheegay inuusan waligiis arkin carruur galeysa gudaha xarunta, taasoo xirnayd bishii Janaayo sida ku cad diiwaanka gobolka.
Waqtigaas, qof degan oo ku noolaa meel u dhow ayaa sheegay inaysan “waligood” carruur ku arkin halkaa, warbaahinta the Post ayaa sheegtay in ay xaruntu ula muuqatay mid mashquul badan.

Leave a Reply