Mareykanka oo cunna-qabateyn saaray hay’addo xiriir la leh Iran

Washington ( Raxanreeb Online) Maraykanka ayaa sheegay inuu cunaqabateyn saaray 35 hay’adood iyo shaqsiyaad ku xiran Iran oo ku lug leh waxa uu ugu yeeray “qaab-dhismeedka bangiyada qarsoon ee Iran.”

Waaxda Hantidhowrka Mareykanka ayaa sheegtay in dadka la cunaqabateeyay ay fududeeyeen “wareejinta tobanaan bilyan oo doolar” ayna ku lug lahaayeen “ka fogaanshaha cunaqabateynta iyo taageerada Iran ee argagixisada.”

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in “shabakadahani ay u oggolaanayaan ciidamada qalabka sida ee Iran, oo ay ku jiraan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, inay helaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.”

Sida lagu sheegay warbixinta, shabakadda la cunaqabateeyay ayaa “lacag ka heshay iibinta sharci-darrada ah ee saliidda,” “ la iibsaday qaybo xasaasi ah oo loogu talagalay gantaallada iyo nidaamyada kale ee hubka,” isla markaana “lacag u wareejisay kooxo wakiillo ah oo Iran ay taageerto oo ku sugan gobolka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.