Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa loo dhaarin doonaa berri xildhibaan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa loo dhaarin doonaa berri xildhibaan

Muqdisho (Raxanreeb) —Baarlamaanka Soomaaliya, qoraal kasoo baxay oo ay ku baahiyeen bartooda Facebook, ayay ku sheegeen in Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo dhaarin doono xildhibaan.

baarlamaanka, ayaa sheegay inay berri kulan ay yeelan rabaan lagu ansixinayo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay ajandihiisa midda koowaad dhaarinta Farmaajo, iyo doorashada guddoonka guddiyada golaha shacabka Soomaaliya.

Maalmo ka hor guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Madoobe, ayaa soo saaray liis guddiyo ka kooban 14 guddi oo loo kala qeeybiyay xildhibaannada, ayagoona berri dooranaya Guddoon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.