Faahfaahinta khasaare ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay gobolka Mudug

Saaxo (Raxanreeb) — Dagaal geystay khasaaro kala duwan oo maanta ku dhexmaray Malleeshiyo beeleed deegaano u dhaxeeyo laanwaalay iyo  Degmada Saaxo ee Gobalka Mudug.

Labada Malleeshiyo Beeleed ayaa isku heysta dhul kuyaalla halka lagu dagaallamayo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka Maanta ku dhintay in kabadan Saddex ruux 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in labada dhinac dagaalkooda uu ahaa mid aad u xooggan, balse si iskiis ah uu u istaagay walow dhinacyadii dagaallamay ay weli ishor-fadhiyaan.

Wararka kale ee Raxanreeb uu heleyo ayaa waxa ay sheegayaan in saacadaha soo socda degaannada lagu dagaallamayo ay gaari doonaan Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland si ay u kala dhex galaan.

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay laba Malleeshiyo Beeleed, waxaana Madaxda Maamulada Galmudug & Puntland ee Gobolka Mudug ay ku guuleysteen inay xalliyaan.

Dagaalkan Malleeshiyaadka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli deegaannada qaarkood iyo DF, ay dagaallo xooggan kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.