Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta Muqdisho kula kulmay sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Shane L. Dixon, kulankaas oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka oo ku dhex taalla Xalane.
Labadan masu’ul ayaa si gooni ah, uga wada hadlay dedaallada xooggan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku bixineyso la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, hirgelinta qorshaha amniga Soomaaliya, iyo kabixitaanka dalka ee ATMS.
Jaamac oo ka hadlay kulankaasi ayaa Danjire Shane, uga mahadceliyay taageerada iyo horumarinta ee dowladdiisu la garab taagan tahay Soomaaliya.
Dhanka kale sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan taageerada kala duwan ee ay bixiso dowladda Mareykanka, oo ugu badan dagaalka ka dhanka ah, Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah, dowladaha waa weyn ee sida tooska ah uga qayb qaata dagaalka ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena Mareykanka wuxuu dalka ka fuliyaa duqeymo culus.
Sidoo kale wuxuu taageero millatari iyo tababar siiyaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ka mid ah, kuwaas oo ah, ciidamada Soomaaliya, ugu xoogga badan hadda ee ka jira dalka.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli ka socdaan dalka howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, ee dalka intiisa badan maamuleysa ku dhowaad 18 sanno oo toos ah, kuwaas oo inta badan gobollada qaar hadda laga saaray.