DAB ka kacay suuqa Bakaaraha & khasaare xooggan oo ka dhashay.

DAB ka kacay suuqa Bakaaraha & khasaare xooggan oo ka dhashay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Suuqa wayn ee Bakaaraha waxaa ka kacay dab xoogan kaas oo gaystay khasaare hanti oo aad u baahsan.

Dabkan ayaa ka kacay suuqa bakaaraha xili hore oo aroor ah waxaana uu ku faafay dabka goobo badan oo ganacsi ah.

Dabkan ayaa yimid ka dib jug weyn oo saaka laga maqlay aaga suuqa, wararka qaarkood ayaa sheegaya in miino lagu xiray dhisme ku yaalla suuqa uu ka dhashay dabka.

Mid kamid ah ganacsatada Suuqa oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inay gubteen 10 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

Gaadiidka dab damiska ayaa isku dayaya iney gaaraan goobta uu ka kacay dabka waxaana caqabad ku noqday sandaqado laga dhistay jidadka Suuqa dhexmara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.