Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Wang Yu.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay qalabaynta xabsiyada, horumarinta isgaarsiinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Asluubta.
Danjiraha ayaa la wadaagay baahiyaha ka jira xabsiyada, isaga oo tilmaamay in Shiinaha uu kamid yahay saaxiibka markasta taageera Soomaaliya.
Sidoo kale, labada masuul ayaa isla soo qaaday taageerada agoonta ku jirta xarunta degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Leave a Reply