Mareykanka: Shiinaha waa in uu ku cadaadiyo Putin in uu joojiyo dambiyada dagaal

Mareykanka: Shiinaha waa in uu ku cadaadiyo Putin in uu joojiyo dambiyada dagaal

Washington (Raxanreeb) — Mareykanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinpinguu ku cadaadiyo Vladimir Putin inuu joojiyo dambiyada dagaal uu ka geysanayo dalka Ukraine.

Putin iyo Xi Jinping ayaa maanta yeelanayo wadahadallo, madaxweynaha Shiinaha ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Moscow tan iyo markii uu Ruushka duullaan ku qaaday Ukraine.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ayaa ugu baaqay Mr Xi inuu ku booriyo dhiggiisa Ruushka inuu ciidamadiisa kala soo baxo waddanka Ukraine.

John Kirby ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo in xabad joojin ay ka dhaqan gasho aysan kaliya ah waxbo tareyn.

“Waxaan rajeyneynaa in madaxweyne Xi uu ku cadaadin doono madaxweyne Putin inuu joojiyo duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka dhaca Ukraine, isbitaallada iyo goobaha waxbarashada, si loo joojiyo dambiyada dagaal iyo xasuuqa iyo sidoo kale in ciidamadiisa uu kala baxo halkaas,” ayuu yiri Kirby.

“Laakiin waxaan ka walaacsanahay in taas beddelkeeda in Shiinahu uu carabka ku adkeyn doono baaqyada xabbad-joojinta ah”

Putin ayaa sheegay in uu ka hadli doono qorshe ka kooban 12 qodob oo uu soo jeediyay Mr Xi si loo “dejiyo xiisadda ba’an ee ka taagan Ukraine”.

“Waxaan mar walba diyaar u nahay geeddi-socodka wadahadallada,” ayuu yiri Mr Putin.

Shiinaha ayaa soo saaray qorshihiisa uu ku joojinayo dagaalka bishii hore – waxaa ka mid ah dib u bilaabidda wadahadallo nabadeed.