Beledwayne ( Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in isbaaro la dhigto deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Cali Jayte oo la hadlayay ciidamo ka mid dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono qofkasta oo loo arko in isbaaro dhiganaysa.
Gudoomiye Cali Jeyte “Isbaaro in la dhigto hadii ay sax tahay si fiican haleygu sheego,Xarfaaneey Dagaalka waa Final aan iska Xawilno” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan ayuu sheegay Guddomiye Cali Jayte inuu ka bilaaban doono howlgalo kale oo lagu doonayo in lagu ciribtirayo kooxaha dhigta isbaarada taas oo caqabad ku ah deegaanka.
” Ma jiraa qof isbaara dhiganaya gobolka Hiiraan deegaano ka mid ah Hiiraan “‘ ayuu is waydiiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan.
Si kasta meelo ka mid ah Hiiraan waxaa ka soconaya dadaalo lagu doonayo in lagu xasiliyo deegaanada gobolka Hiiraan.
Leave a Reply