Muqdisho (Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa caawa soo buux dhaafiyay ciidamo aad u fara badan oo ka mid ah kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidankan ayaa waday howlgalo qof ka qof ah oo ciidanka ay u baarayeen dadka caadiga ee lugaynaya waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.
Meelaha ugu badan ee caawa howlgalkan ka socday ayaa ahaa wadada Maka- Al- Mukarama halkaas oo ahayd meel aad u mashquul badan oo inta uu socday howlgalkan gadiidka ayaa isku xanibmay.
Saraakiisha ciidanka Dowladda ee horkacaya howlgalkan ayaa u sheegay warbaahinta afka Dowladda ku hadasho in ujeedka uu yahay sugid amniga maadama lagu jiro bisha Ramadaan.
Waxa ay ku soo aadaysaa iyadoo magaalada Muqdisho maanta uu ka dhacay qarax lala eegtay ciidanka ATMIS wadada KM4 ee magaalada Muqdisho
Leave a Reply