Cabasho & banaanbax ka dhan ah NISA oo lagu qabanayo Muqdisho + xogo dheeraad ah

Cabasho & banaanbax ka dhan ah NISA oo lagu qabanayo Muqdisho + xogo dheeraad ah

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka socda sida xogaha ay sheegayaan qaban qaabada banaanbax lagu doonayo in lagaga hadlo xarigga qaar ka mid ah saraakiil hore oo la soo shaqeeyay Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa lagu wadaa in dibadbaxan ay ka soo qayb galaan  qaybaha bulshada iyo qaar ka mid ah ehlada saraakiisha Dowladda  ay beegsatay kuwaas oo la soo shaqeeyay maamulkii hore.

Xubnaha weerarka lagu qaaday waxaa ka mid ah ee cabashada ay ka taagan tahay Taliyihii hore ee  hoggaanka daba- galka Hay’adda NISA Cabdullaahi dheere oo ka maqan dalka.

Weerarkaas lagu qaaday  Hoyga Taliyaha waxaa lagu kaxaystay ,  qaar ka mid ah ehladiisa kuwaas oo  xiran Hay’adda NISA ee uu hoggaamiyo Mahad Maxamed Salaad.

Hore waxa magaalada Muqdisho loogu qabtay ,  banaanbax ka dhan ahaa Hay’ada NISA sabab la xiriirta weerarka ay ku hayso saraakiisha  la soo shaqeeyay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda  uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore  u sheegtay in aysan  jiri doonin aargoosi siyaasadeed ayaa hadda waxaa muuqanaya beegsiga saraakiil hore ugu soo shaqeeyay dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.