Maxaa ka jira in uu is casilay taliye Dabagale

Maxaa ka jira in uu is casilay taliye Dabagale

Hargeysa (Raxanreeb) — Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu is-casilay taliyahoodii Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kadib markii aad loogu baahiyay baraha bulshada.

Taliska ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay yihiin been abuur, isla-markaana aanu is-caslin taliye Dabagale oo ah taliyaha guud ee ciidanka Booliska maamulka Somaliland..

Sidoo kale wuxuu talisku caddeeyay in arrintaasi aysan waxba ka jirin, wararka la faafiyayna ay yihiin kuwa looga been abuurtay taliyaha.

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa beeninayaa warar beena oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasi oo sheegaaya ina uu iscasilay taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi , Taliska Ciidanka Boolisku waxa caddaynayaa inaanay wararkaasi waxba ka jirin, tahayna warar been abuura oo ay faafinayaana cadawga JSL” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska Booliska.

Sidoo kale wuxuu boolisku sheegay in haatan taliyaha uu ku muqan yahay safar dibadeed, isla-markaana uu imaanayo maalinta berri ah, si usii wato howlihiisa shaqo.

Safarkiisa ayaa la xiriira arrimo shakhsiyeed, sida lagu shaaciyay warkan qoraalka ah, balse lama sheegin dalka uu aaday iyo ujeedka uu u tegay intaba.

“Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxuu dalka dibadiisa ugu maqan yahay arrimo shakhsiya , waxaanu imanayaa maalinka berri ah subaxnimada haddii eebbo idmo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka uu soo saatay Taliska Booliska Somaliland.

Arrintan ayaa meesha ka saareysa hadal heyntii ka dhalatay inuu iscasilay taliye Maxamed Dabagale, kadib markii warkaas lagu baahiyay baraha bulshada, balse hadda beenoobay.