Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Xeer Ilaalinta Qaranka & mas’uuliyiin kale oo maanta tagay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa u guur galay maxaabiista ku xiran xabsigaas.
Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in Maxaabiista xiran ee muddadii lagu xukumay dhaaftay in ay helayaan Caddaalad maadaama galkooda lagu wareejiyay kuna cad yihiin dhammaan kiisaska ay u kala xiran yihiin Maxaabiistaan.
Xasan Macalin, Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan hadal dhowaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa in xabsiga ay ku jiraan dad xiran 10 sano ka badan.
Xiligaas waxa uu Jananku dalbaday in caddaalad loo helo Maxaabiistaan mar haddii ay dhammeysteen xukunkii ku dhacay oo ay ku qaateen Xabsiga Dhexe ee Xamar una baahan yihiin in ay helaan warqadda fasaxa ah.
Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Xasan Macalin ayaa meesha ka saaray in aanay jirin 10ka sano uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta halka dadka muddada dhaaftay loo gudbinayo Maxkamadaha & Hay’adaha awoodda u leh arrintaan.
“Su’aal ayaa ka jirta muddo dhaafka uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ah in 10 sano oo rumaan ah in dad ay xiran yihiin, markii aan xabsiga dhexe tagnay maanta waxaa inoo caddaatay in aanay jirin 10kaas sano, intii dhaaftay muddada xukunkooda iyo intii garsugayaasha ah waxa ay heli doonnaan caddaalad, Waxa aan u xilsaaranahay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo geeyo una helo xukun ama caddaalad degdeg ah” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS.
Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa ku xiran Maxaabiis Rag iyo Dumar ka kooban oo loo heysto kiisas kala duwan kuwaas oo qaarkood uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed halka qaar kale ay yihiin xukun sugayaal.