Maxaa ka soo baxay shirar MW Cali Guudlaawe ee Hiiraan.

Maxaa ka soo baxay shirar MW Cali Guudlaawe ee Hiiraan.

Hiiraan (Raxanreeb )- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa kulan ballaaran oo si heer sare ah loo agaasimay la qaatay dadweynaha degmada Al-Koowsar, agoo weydiiyay su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Madaxweyne Guudlaawe iyo dadweynaha ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada ee laga dhaqan-geliyay iyo baahiyaha weli ka jira deegaanka Al-Koowsar, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada.

Waxaa kale oo laysla soo qaadey dhisidda golaha deegaanka magaalada iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka iyo waxbarashada, ayadoo ka soo qeyb-galayaasha kulanka ay maamulka talooyin wax ku ool ah la wadaageen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.