Muqdisho ( Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho oo ay soo wada gareen Inta badan Madaxda maamul – Goboleedyada ayaa waxaa xubnaha soo gaaray ka mid ah Madaxwaynaha Galmudug.
Madaxwayne Qoorqoor ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha hadda Axmed Macallin Fiqi.
Labadan masuul ayaa ahaa kuwo aad isaga soo horjeeday waqtigii dalka uu maamulay Madaxwaynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Baraha Bulshada ayaa si aad ah waxaa u qabsaday sawirka ay isla fadhiyaan Madaxwaynaha Galmudug Axmed Qoor qoor iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Macallin.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxwaynaha Galmudug ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Garoonka , inkastoo aan la ogayn waxa looga hadlay kulankan laakiin waxaa muuqanaysa in labada masuul ay ku faraxsanayeen in ay kulmaan muddo dheer ka dib.
Fiqi ayaa loo xil-saarey isaga iyo Wasiiro kale soo dhaweynta Qoor-Qoor iyo Madaxda Maamullada, ee ka qeybgalaya Shirka berri ka furmaya Villa Somalia.
Axmed Macallin Fiqi ayaa isaga tagay hore xubinimada Wasiirnimo ee uu ka ahaa Maamulka Galmudug , taas oo ka dhalatay halka uu gaarsiisanaa Khilaafka labadan masuul.
Siyaasadda Soomaaliya ayaa – hadba is gededisa , waana tan la sheego in siyaasada aysan lahayn saxiib joogta ah ee ay leedahay dano joogta ah.
Leave a Reply