Afgooye (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay weerar ku qaaday deegaanka Basra ee duleedka Afgooye ayaa mar kale isaga baxday halkaas sida ay ku waramaan dadka degaanka.
Ciidanka ayaa gelinkii dambe ee shalayba isaga soo ruqaansaday deegaankaas oo ahayd meel ubac u ah Al- Shabaab , isla markaana ugu tiilay Maxkamad ay saaraan cida ay doonaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaas lagu arkayay xubno ka mid ah Al- Shabaab ee markii hore lagala wareegay.
Dadka amniga falanqeeya ayaa sheegay in ay ahayd in ciidanka halkaas ka samaystaan saldhigyo ciidan si meesha ay uga baxdo dhibaatadii halkaas laga gaystan jiray in ay dib ugu soo baxaana ay ahayd mid lagu deg -degay.
Ciidanka Dowladda ayaa ka sheegay in goobaha ay gacanta ku dhigaan ay ka sameeyaan maamul isla markaana ay ka hergaliso adeegayda bulshada ay u baahan yihiin , taas oo ay leeyihiin waxa ay keeni kartaa in in Al- Shabaab laga qabsado deegaano badan.
Ciidanka ayaa goobta isku soo sawiray ka dibna dib ugu soo laabtay halkii markii hore ay ka tageen ee magaalada Muqdisho , taa soo muujinayso qorsho la’aanta Dowladda ee ku wajahayso dagaalka ka dhan ah Al- Shabaab.
Dad badan ayaa dhaliilaya sida Dowladda Federaalka aysan uga go’nayd dejinta qorshaha howlgalka ka dhanka Al- Shabaab ee ka socda meelo ka mid ah gobolada dalka.
Leave a Reply