MAXAA KU SOO KORDHAY : Qarax ka dhacay Degmada Bardaale ?

Baydhabo (Raxanreeb ) Warar dheeraad aha yaa ka soo baxayo qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka ceeldheere oo hoostaga degmada Bardaale ee gobalka Baay.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, waxaana Inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal qof, halka ay dhaawacmeen labo kale,

Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa loo soo qaaday degmada Bardaale ee gobalka Baay, halkaas oo dadkii dhaawaca soo gaaray la dhigay isbitaalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Bardaale ayaa ku baxay goobta uu ka dhacay qaraxa.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Baay oo ku aaddan qaraxaas.

Xaaladda guud goobta ay wax ka dhaceen ayaa lagu soo waranayaa in ay degan tahay waxaana dadka degaanka ay ku warameen in ciidanka ay wadaan howlgalo amaanka ay ku sugayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.