Beledwayne (Raxanreeb )- Maanta oo Isniin ah waxaa degan xaalada magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ka dib qarax khasaare gaystay oo ka dhacay magaaladaas.
lix qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu dilay qarax shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan halka ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa hadda lagu dawaynayaa isbitaalada magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan kuwaas oo xaaladooda ay ka soo raynayso.
Sida Raxanreeb ay u sheegeen qaar ka mid ah goobjoogayaasha – halkaas ku sugan ciidanka amniga ayaa wada howlgalo ay ku doonayaan in ay amniga ku xaqiijiyaan .
Ilaa iyo hadda lama sheegin shaqsiyaad ay ciidanka ay u soo qabteen qaraxaas ka dhacay gudaha magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Leave a Reply