Maxaa sababay inuu Trump ka laabto damaciisa cashuurta iyo arrinkii Greenland ?

Maxaa sababay inuu Trump ka laabto damaciisa cashuurta iyo arrinkii Greenland ?

Madaxweynaha Mareykanka Trump, ayaa markii uu la kulmay Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte, Trump ayaa sheegay in uusan soo rogi doonin canshuuraha loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo.

Hadalkan wuxuu ka dhigan yahay dib u gurasho, ka dib markii Trump uu ku hanjabay inuu canshuur hor leh ku soo rogi doono siddeed xulafo oo Mareykan ah oo ka soo horjeeda doonistiisa jasiiradda Greenland

Trump ayaa kulankii uu la yeeshay Rutte kadib, soo dhigay qoraal barta Social, kulankaas oo u uku tilmaamay “mid aad waxtar u leh,”.

Wuxuu yiri: “Xalkan, haddii la dhammeystiro, wuxuu u noqon doonaa mid aad u wanaagsan Mareykanka iyo dhammaan waddamada NATO.”

“Marka la eego is-afgaradkan, ma hirgelin doono canshuurihii loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Wadahadallo dheeraad ah ayaa socda oo ku saabsan Mashruuca Golden Dome sida uu ula xiriiro Greenland.”

Sidoo kale waxaa la tilmaamay Faahfaahin in wadahadalladu sii socon doonaan ayna hoggaamin doonaan Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff, iyo qaar kale oo loo baahdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.