Maxay ka dhigan tahay in Finland ay ku biirtay NATO?

Maxay ka dhigan tahay in Finland ay ku biirtay NATO?

Helsinki (Raxanreeb) — Finland ayaa maanta noqotay dal xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO, iyadoo dalkan oo muddo fog diidanaa in uu ka mid noqdo isbahaysi ciidan uu xubinnimada dalbaday kadib markii uu Ruushka oo ay xuduud wadaagaan uu ku duulay Ukraine bishii February ee 2022-kii.

Madaxa isbahaysiga NATO Jens Stoltenberg ayaa xarunta NATO ee magaalada Brussels maanta ugu sheegay in Madaxweyne Putin-ka Ruushka uu Ukraine u weeraray si uu u yareeyo NATO, laakin duullaankaasi uu keenay in gaashaanbuurto ay sii korodho.

Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa isna sheegay in Ruushku uu ku qasbanaan doono in uu qaado “tallaabooyin liddi ku ah” ku biiritaanka Finland ee NATO, iyadoo wasiirka difaaca dalkaasi Sergei Shoigu uu sheegay in tallaabadani ay sare u qaadayso in colaadda Ukraine ay kasii darto.