Ciidanka Eretria ka  yimid oo dili – gaaray sakaal NISA ka tirsan

Ciidanka Eretria ka  yimid oo dili – gaaray sakaal NISA ka tirsan

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho , waxaa dil ka badbaaday , Sarkaal sare oo ka  tirsan Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Weerar oo ka dhacay isgoyska Terbuunka ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in lagu beegsaday , Taliyaha Nabad sugida degmada Dayniile.

Ciidamo lagu soo tababaray Eretria ayaa goobjoogayaashu ay sheegayaan in jidka ay u – galeen ciidamo kale ee uu hoggaaminayay Taliyaha nabad sugida degmada Dayniile.

Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana weerarka ka bad baaday taliya NISA ee Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi,

Ciidankii milatariga ee weerarka geestay ayaa la sheegay in ay galeen xerada ay ku leeyihiin agagaarka warshada caanaha, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo laamaha amniga kasoo saareen weerarkan .

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Taliyaha nabad sugida Deyniile uu  dhaawacmay  qarax miino oo loogu xiray guri uu ka deganaa degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.