Maxay tahay arrinta Dowladda Federaalka ay uga guuleeysatay Ururka Al-Shabaab

Maxay tahay arrinta Dowladda Federaalka ay uga guuleeysatay Ururka Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay xarunta Wasaaradda ayaa faah-faahin ka bixiyay wax-qabadka dowladda ee todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana la taagnaa madaxa Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef.

Daa’uud Aweys ayaa intiisa badan diiradda saaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli ka socda dalka, isaga oo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weli xajinayaan guulaha waa weyn ee laga gaaray dagaalka kooxda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda ay ku guuleysatay dhaqan-galka baaqeedii ahaa in ay isa soo dhiibaan xubnaha Al-Shabaab, isaga oo shaaca ka qaaday inay xubno badan u hoggaansameen baaqaas, ayna isku soo dhiibeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

‘Qaar kamid ah Khawaarijta ayaa u hoggaansamay baaqii dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inay isku soo dhiibaan dowladda si loogu sameeyo dhaqan celin,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyaro ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu soo dhaweeyay maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

“Tiro kamid ah iyaga ayaa isku soo dhiibay goobo kala duwan sida HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo uu markale ku celiyay amarkii dowladda ee ahaa in aan lala macaamili karin kooxda Al-Shabaab, isagoo dhanka kale tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka dhaqaale.

“Waxaa markale shacabka la xasuusinayaa in ay ka fogaadaan inay la macaamilaan Khawaarijta dhinac kasta ha noqotee,” ayuu markale yiri Wasiirka Warfaafinta.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dalalka dariska oo uu sheegay in go’aan looga gaaray dagaalka Al-Shabaab, waxaa kale oo uu ka hadlay shirkii dib u heshisiinta Koonfur Galbee oo uu tilmaamay in lagu guuleystay.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xaaladda Laascaanood, wuxuuna sii adkeeyay baaqa madaxweynaha ee ku aadan in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda ka jirta magaaladaasi.