Biden “Laba sanno ka hor waxaa nidaamkeena dimoqraadiga soo wajahay halis‘’

Washington (Raxanreeb ) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay khudbaddiisii sannadlaha aheyd kula hadlay shacabka Mareykanka, waxaana uu ka horjeediyay labada aqal oo si wadaji ah u fadhiyay xarunta Koongareeska.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar oo ka hadlayay amniga waxa uu ku soo hadalqaaday dil ay Ciidanka Booliska nin dhallinyaro ahaa ugu gaysteen Gobolka Tennessee ee dalkaas , kaas oo cara badan  ay ka dhalatay.

‘’ Waa in tababar dheeraad ah la siiyaa ciidanka si ay u ilaaliyaan nafta muwaadiniinta ‘’ ayuu yiri Madaxwaynaha Mareynkanka Joe Bidin.

Joe Bidin ayaa khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha maamulkiisa, uu ka gaaray xakameynta  Covid-19 iyo abuurista 12 milyan oo shaqooyin cusub ah, isaga oo ugu baaqay xisbiga Jamhuuriga inay kala shaqeeyaan sidii dalka loo mideyn lahaa.

Mar uu ka hadlayay , halis soo wajahday maamulkaas ayuu sheegay in caqabadaas  uu ku tilmaamay in ay ahayd halis wayn hase ahaatee si xirfad ay ku jirto ay ugu gudbeen.

“Laba sano ka hor waxaa nidaamkeena dimoqraadiga soo wajahay halistii ugu weyneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye, hase yeeshee maanta inkastoo ay nabaro ina gaareen, haddana nidaamkeena dimoqraadiga waxa uu yahay mid amni oo aan jabeynin ‘’ ayuu yiri markale Madaxwaynaha Mareynkanka.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray qorshaha maamulkiisa ee siyaasadda dhaqaalaha gudaha, amniga, baaq uu u jeediyay Xisbiga Jamhuuriga iyo qodobo kale, oo uu ka mid yahay xiriirka Mareykanka ee caalamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.