Garoowe (Raxanreeb ) Iska hor imaadyo ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka dhaceen magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland .
Goobaha iska hor imaadyada ay ka dhaceen ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay goobaha loo qorsheyay in ay ka dhacdo isdiiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah ee Puntland.
Israsaaseynta ayaa u dhaxeysa ciidamada diidan diiwaangelinta iyo kuwa taabacsan doorashada, waxaana ciidamada oo ismaandhaafay ay sababtay in ay rasaas isku adeegsadaan.
Xaaladda magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa soo hagagaysa waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisada magaalada.
Si kastaba deegaanada maamulka Puntland waxaa ka jira diidmo la xiriira doorashada qofka iyo codka ah ee hergalintiisa hormuud uu ka yahay Madaxwayne Saciid Deni.
Leave a Reply