Maxay tahay digniinta Washington u dirtay Itoobiya ?.

Maxay tahay digniinta Washington u dirtay Itoobiya ?.

New York (Raxanreeb )- Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay is afgaradkii  badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yiri Wood oo  ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yiri Wood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.