7 sanno ka dib aas aasaha WikiLeaks miyuu helayaa xoriyadiisa ?

7 sanno ka dib aas aasaha WikiLeaks miyuu helayaa xoriyadiisa ?

London (Raxanreeb )- Julian Assange oo ah aas aasaha website-ka WikiLeaks ayaa laga sii daayay xabsiga UK oo  u ku xirnaa muddo 7 sanno ah  isaga oo qirtay eedaymaha loo haystay ee basaasida dowladda Mareynka.

Barta X, oo hore loo oran jiray Twitter, oo soo xiganaysa Wikileaks waxay sheegtay in Assange uu ka baxay xabsiga Belmarsh Isniintii ka dib kun iyo sagaal boqol iyo dheeraad maalmood oo uu ku jiray qol yar.

Assange, oo 52 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu maleegayay inuu helo oo uu shaaciyo macluumaadka difaaca qaranka.

Website-ka WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.

Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.

Bishii Abriil, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu sheegay inuu tixgalinayo codsi uga yimid Australia oo ah in la joojiyo dacwadda ka dhanka ah Assange.

Leave a Reply

Your email address will not be published.