Maxay tahay hadalka kasoo yeeray DF ee ku aadan Somaliland

Muqdisho (Raxanreeb) — La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Sharci-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyay in aysan jirin siyaasad qaran oo dowladda federaalka ay ka dajisay hanaanka loo wajahayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

La-taliye Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay sii fogeynayso wada-hadal mira-dhala ah oo madaxda iskaga kala dambeeyaan sii amba-qaadkiisa, maadaama ay markasta ku xirnaaneyso madaxda markaasi joogta aragtidooda iyo sida ay rabaan inay u wajahaan wada-hadalladaasi.

“Inta aan ogahay majirto siyaasad rasmi ah oo inta ay qaadatay dowladda federaalka ah oo Golaha Wasiirada ay keentay oo la leeyahay arrinta Somaliland sidaas ayaa ku wajahayna, oo madaxweyne loo geeyay, oo ah siyaasadda Soomaaliya ee ku wajahan qadiyadda Somaliland majiro,” ayuu yiri La-taliyaha dhanka Sharciga ee madaxweynaha Soomaaliya.

La-taliyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in dowladda federaalka ay siyaasad rasmi ah ka yeelato wada-hadallada Somaliland, taasi oo saldhig u noqota wada-hadallada, islamarkaaana meesha ka saarta in hakad uu ku yimaado wada-hadalladaasi marka uu hoggaanka baxo ee hoggaan cusub uu yimaado jagada u sareysa dalka.

“Majirto siyaasad rasmi ah oo wada-hadallada Somaliland oo dowladba dowlad kale ka dhaxleyso oo isma badasha ah majirto, marwalba waa madaxda markaas joogto waxay u arkayaan in laga wada-hadlo ay ka wada-hadlaan. Markaa waxaa fiicnaan laheyd in marka hore aas-aas loo sameeyo.”

Hadalka La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, lana rajeynayo inay dib u furmaan wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo Axadii Aqalka Dowlada Djibouti kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle.

Guuleed ayaa xilligaan waxa uu qorsheynayaa in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.