Maxay tahay xayiraadda ay kusoo rogeen Al-Shabaab mid ka mid shirkadaha isgaarsiinta

Muqdisho (Raxanreeb) — Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xubo katirsan Ururka a Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in Al-Shabaab ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas.

Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan.

Af-hayeenka ciidanka millateriga ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa dhowaan sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, hase yeeshee waxa uu sheegay in adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Mid ka mid ah khubarada Soomaaliya daraaseeya ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.