Maxey kawada hadleyn safiirka Turkiga iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa hoyga uu Muqdisho ugu tagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maalmihii u dambeeyey kulamo kala duwan ka waday Muqdisho.

Sida wararka ay sheegayaan kulan ayaa looga hadlay sidii Madaxweyne Xassan Sheikh loogu soo celin lahaa doorasho laysla ogol yahay, isla markaana looga hortagi lahaa in dalka uu galo qalalaaso siyaasadeed.

Kulanka ayaa la sheegay inuu socday muddo sacaad ka badan, isla markaana safiirka Turkiga oo madaxweyne Shariif u cadeeyay in uu diyaar u yahay sidii loo xoojin lahaa dowladnimada dalka, loogana hortagi lahaa khilaaf dib u dhac u keeni karaa geedi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Dhinac kale Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay dedaal badan ku bixinayaan in dalka uu galo marxalad khatar, isla markaana ujeedkooda uu yahay ka wada shaqeynta sidii doorasho heshiis lagu yahay ay dalka uga dhici laheyd, loogana baaqsan karo firaaq dastuuri ah inuu dhaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.