Maxkamad ku taalla Kenya oo diblomaasi ku heshay dambi dil ah

Maxkamad ku taalla Kenya oo diblomaasi ku heshay dambi dil ah

Nairobi (Raxanreeb) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa Arbacadii ku xukuntay diblumaasi u dhashay dalka Venezuela, dilka safiirkii ku-simaha ahaa ee dalkan dhaca Koonfurta qaaradda America 10 sano ka hor, taasoo looggu geystay gurigeeda rasmiga ah ee magaalada Nairobi.

Dwight Sagaray, oo ahaa xoghayihii koowaad ee safaaradda Venezuela, ayaa lagu helay dembiga dilka, Olga Fonseca, ee dhacay 27-kii bishii Luulyo, ee sanadkii 2012-kii.

Saddex nin oo Kenyan ah oo lala soo eedeeyay Sagaray, ayaa iyagana la xukumay.

Dublamaasiga oo haweeney ah, ayaa la isku dayay in la dilo, kadib markii ay xasaanadii dublamaasiyadeed ka qaaday safaaradda Venezuela.

Maxkamada ayaa ogaatay in Sagaray uu hoggaaminayay howlgalka, ka hor inta aysan imaan Fonseca, ayna ka carootay joogitaankiisa, isagoo doonayay inuu sii wado kaalintiisa safaarada, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters.

Fonseca, oo dadeed aheyd 57 sano jir, ayaa la dilay wax ka yar laba toddobaad, ka dib markii ay kaalinteeda cusub ka bilowday magaalada Nairobi 15-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2012-kii.