Soomaaliya iyo Qatar oo kawada hadlay iskaashiga shaqada iyo shaqaalaha

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige oo booqasho ku jooga Caasimadda dalka Qatar ee Doha ayaa halkaasi kulan kula qaatey Wasiirka Shaqada ee dalka Qatar Dr. Cali bin Samiikh Al-Mari oo Xafiiskiisa ku qaabilay.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay Xiriirka labada dal, Iskaashiga Wadajirka ee Arrimaha la xiriira Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hanaanka Taageerada iyo Horumarinta sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Wakaallada Wararka dalka Qatar QNA.

Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale Dib-u-eegis waxa ay ku sameeyeen Wadashaqayn dhex marta Labada Wasaaradood ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somalia iyo Qatar.

Wasiirka wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan ayaa dalka Qatar ujooga ka qeyb galka meertada 42aad ee Wasiirada Arrimaha Bulshada ee dalalka Carabta kaasi oo diirada lagu saarayo xuquuqda dadka naafada ah iyo yareynta saboolnimada.

Shirkani oo maanta lafilayo in lasoo gabagabeeyo ayaa waxaa ka qeyb galaya Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Wasiirada Arrimaha Bulshada, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Ururada Bulshada Wadamada Carabta.