Xasan Sheekh oo u safray Burundi

Xasan Sheekh oo u safray Burundi

Bujumbura (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ah safar ku tagay dalka Burundi, halkaas oo uu kulammo ku saabsan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda A-lshabaab iyo dadajinta dhammeystirka xubinnimada Soomaaliya ee uruurka EAC kula qaadanayo Madaxweynaha dalkaas Évariste Ndayishimiye, sida ay shaacisay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada dalkaas ayaa safarkiisu waxa uu ku qotomaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka Khawaarijta, maadaama dalka Burundi uu safka hore kaga jiro dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayanka madaxtooyada oo intaas raadciyay.

“Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh ayaa kala hadlaya dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo ah guddoomiyaha dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) sidii loo dadajin lahaa dhameystirka galka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ku biirista dalladdan oo fursad u noqonaysa ganacsiga iyo isu-socodka dadka Soomaaliyeed.”

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in ”madaxweynuhu uga mahadceliyey dhiggiisa dalkaas, shacabka iyo dowladda Burundi soo dhaweynta walaalnimada ah ee ay u muujiyeen iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.”