Maxkamadda Racfaanka oo dil ku xukuntay nin xaaskiis si xun u dilay.

Maxkamadda Racfaanka oo dil ku xukuntay nin xaaskiis si xun u dilay.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah kadib falkii ay u geeriyootay Luul Cabdicasiis.

Ehelada Luul Cabdicasiis oo goobjoog ka ahaa maxkamadda ayaana si weyn usoo dhaweeyay xukunka dilka ah ay maxkamadda ku riday Sayid-cali, waxa ayna sheegeen in si caddaalad ah xukun u dhacay.

Maxkamadda ayaa sheegtay in cadeymihii laga jeediyay Maxkamadda ay muujinayaan in eedeysanaha uu falkaas geystay sidaas darteedna ay cadahay eeda lagu soo oogay, waxana Maxkamaddu ay ku xukuntay dil toogasho.

Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.