MD Xasan oo shaaciyay tirada dhimasho & dhaawac qaraxyadii ka dhacay soobe.

MD Xasan oo shaaciyay tirada dhimasho & dhaawac qaraxyadii ka dhacay soobe.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwayne Xasan Shiikh ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qaraxii ka dhacay isgoyska zoobe ay ku naf wayeen 100 qof halka dhaawacuna ku dhaw yahay 300 oo qof.

Hadalkan Madaxwaynaha Dowladda Federaalka waxaa uu sheegay mar xalay saqdii dhaxe gaaray isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda.

Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo” ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha ayaa xusay in dalka meelo ka mid ah ay ka socdaan xilliyan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab , taas oo uu sheegay in ay muujinayso sida Dowladda ay uga go’ an tahay ciribtirka kooxda Al- Shabaab.

“Ilaahay idin kii Oktoober kale ma dhicidoonto. Dalka dagaal buu ku jiraa,saacadan dagaal baa socda, geesiyaasha Ciidama Qalabka Sida ayaa daba jooga Khawaarijta” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Wixii ku soo kordha kala soco

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.