MD Xasan oo wajahaya culays doorasho oo kaga imaanaya mucaaradka huursan.

MD Xasan oo wajahaya culays doorasho oo kaga imaanaya mucaaradka huursan.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa doonaya in laga guuro hannaanka dhismaha ee Dowladda Soomaaliya ay u dhisan tahay.

Qorshaha Madaxwayne Xasan uu doonayo in meesha looga saaro awooda Ra’ iisulwasaaraha iyo in la unko laba xisbi oo hoggaanka ku loolamaya ayaa si aad ah loo diidan yahay.

Madax hore iyo siyaasiin ayaa sheegay in habka uu u fakarayo Xasan Sheekh ay tahay mid xilligan suurtagal ahayn oo habka doorashadu ay ahaato sida hadda ay u dhacayso awoodahana aan la baa’ bin.

Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sheekh Shariif iyo madax hore ayaa ka goys adeegaya qorshaha iyo damaca Xasan Sheekh ee hanaanka doorasho iyo awood qaybsi dalka.

Madaxwaynaha  maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku biiray siyaasiyiinta sida weyn u diidan in la beddelo hanaanka madaxtinimada dalka.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka leexday dastuurkii lagu heshiiyay. Deni waxa uu sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uusan aheyn Golle Dastuuri ah, awoodna uusan u laheyn gaarista go’aamo illaa heerkaas ah.

Si – kasta Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka sheegay fagaarayaasha in muhiim ay tahay in laga guuro nidaamka hadda ay u samaysan tahay Dowladda Soomaaliya taas oo u sababeeyay in laga soo daalay hababkii hore loona baahan yahay isbedel.

Leave a Reply

Your email address will not be published.