MD Xasan Sheekh oo 10- beri ka dib  lagu banaanbixi doono.

MD Xasan Sheekh oo 10- beri ka dib  lagu banaanbixi doono.

Muqdisho (Raxanreeb ) Waalidiinta Dhalay Dhallinyarada Sanadaha Badan Tababarka ugu Maqan Dalka Eretiya ayaa Sheegay in 10-Maalin  Kadib ay ku Banaan Bixi doonan Dowlada Uu Hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen waalidiintan ayay ku sheegeen in ay muuqanayso in Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud balantii ay ka qaaday au uga baxday.

“Waxaan qaban doonaa 10-Cisho Kadib Banaan Bax weyn oo dalka oo dhan ka dhici doono isla Markaan aan Ku Canbaareyn doono Xasan Sheekh Maxamuud Oo nooga Baxay Balamo uu Naga qaaday” ayay ka sheegeen meel fagaara ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ka codseen in ay samayso talaabo – kasta oo dalka ay ugu soo celinayso dhallinyaradaas oo dalka Eretiya gaysay Dowladii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waalidiintan ayaa in mudda ah waxa ay sheegayaan in  caruurtooda aysan ka warhayn xaaladooda , hadana ay u muuqanayso , in balamihii looga baxay sida ay ku sheegeen kulankooda maanta ay ku  yeesheen magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.