Shirka maamul – goboleedyadda oo  Beri ka furmays magaalada Muqdisho.

Shirka maamul – goboleedyadda oo  Beri ka furmays magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ku soo qul-qulaya madaxda qaar ee maamul- goboleedyada si ay ugu qayb galaan shirka  u dhaxeeya Dowladda iyo maamul- goboleedyada.

Xubnaha maanta oo Arbaca ah magaalada Muqdisho soo gaaray waxaa ka mid ah Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo wafdi  uu hoggaaminayo.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo Laftagareen soo dhaweeyay ayaa sheegay in madaxda kale ee dowlad goboleedyada iyana soo gaaraan Muqdisho saacadaha soo socda.

Shirkan waxaa  iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  islamarkaana 27 bishaan oo ku beegan berri uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkan waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga , howlgalka Dowladda Federaalka ka wado gobolada qaar ee dalka iyo qaybsiga khayraadka .

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.