MD Xasan Sheekh oo bilaabaya socdaal uu ku kala bixinayo maamul- goboleedyada.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah bilaabi doono socdaal uu ku tegi doono qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ka bilaabi doono gobolka Hiiraan, waxa uuna tegi doonaa furimaha dagaalka ee lagula dagaalamay Ururka Al- Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tegi doono Galmudug, waxa uuna ka bilaabi doonaa Dhuusamareeb, Cadaado iyo deegaanada ay dadka deegaanka kula dagaalameen AS.

Sidoo kale xogo uu helay RBC ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tegi doono Magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Waxaa la warinayaa in Madaxwaynaha socdaaladan uga gol leeyahay laba arin oo kala ah dagaalka kooxda Al- Shabaab iyo hagaajinta xiriirka dowladiisa ee maamul – goboleedyada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.