ATMIS oo hadda uun ku – baraarugtay inay ku biirto kacdoonka ka dhanka ah Al- Shabaab.

Muqdisho (Raxanreeb ) Howlgalka ATMIS war uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidanka markaan ay u jihaysan doonaan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ay iska kaashanayaan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha kacdoonka.

Waxaa uu sheegay howlgalka ATMIS in ay ka go’an tahay in ay jabiyaan kooxda Al- Shabaab oo muddo dheer dagaal kala soo horjeeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ATMIS ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono la-hawlgalayaasha si loo sugo ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab.

” waxa aan xaqiijinaynaa in aan markaan qaadi doono dadaalo xoogaan oo aan ku garab istaagayno kooxaha kacdoonka iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xasiliyo dhamaamn deegaanada Soomaaliya ” ayuu yiri Mohammed El-Amine Souef.

Waxaa uu sheegay Mr Mohammed in ay muhiim ay tahay in la qaado talaabo kasta oo lagu jabinayo kooxaha Al- Shabaab isla markaana ciidanka ATMIS ay diyaar u yihiin in hormuud ay ka noqdaan dagaalka.

Hadalka ayaa imaanaya , iyadoo u jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab oo ay horkacayaan dadka deegaanka iyo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaas oo ka soconaya meelo badan oo Soomaaliya ah.

Howlgalka ATMIS waa howlgalka taageerada nabada ee Afrika si loo yareeyo khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.